25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xaalad adag oo lasoo daristay muhaajiriin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – In ka badan bil ayaa laga joogaa markii tobanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalal Aasiya iyo Afrika ku xayirmeen hotel ku yaalla magaalada Panama, iyagoo caawimaad ka dalbanaya daaqadaha hoteelka.

Dadkan oo asal ahaan ka yimid dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Afgaanistaan, Nepal, Pakistan, Soomaaliya, Ereteriya, Cameroon, Shiinaha, iyo Ruushka, ayaa laga soo tarxiilay Mareykanka kadib markii loo diiday in ay halkaas sii joogaan.

Hadda waxay ku sugan yihiin Panama, iyagoo aan heysan waddo kale oo ay u baxaan.

Ururka Fe Y Alegria, oo ah dhaq-dhaqaaq diimeed ayaa martigelinaya 51 ka mid ah dadkaasi, kuwaas oo haatan ku sugan caasimadda Panama.

Inta u dhexeysa 192 ilaa 299 qof oo aan sharciyeysneyn ayaa laga soo masaafuriyay Mareykanka, waxaana qaarkood si isxilqaan ah loogu oggolaaday inay ku laabtaan dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen, sida laga soo xigtay dowladda Panama.

Muhaajiriinta sii joogay ayaa helay oggolaansho bini’aadantinimo oo 30 maalmood ah, oo suurtagal ah in lagu kordhiyo 60 maalmood. Haddii mudadaasi dhammaato, waxaa laga masaafurin doonaa Panama.

Saddex ka mid ah dadka la soo tarxiilay oo la hadlay BBC ayaa waxay sheegeen inay ogolaadeen inay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, maadaama aysan jirin fursad kale oo u furneyd. Saddexdan qof ayaa labo ka mid ah ay kasoo jeedaan Iiraan, halka midka kale uu ka yimid Afgaanistaan.

“Sanadkii 2022, waxaan go’aansaday inaan diintayda beddelo oo aan Kirishtaan noqdo. Iiraan, ciqaabtu waa dil,” ayuu yiri Artemis Ghasemzadeh, mid ka mid ah dadka la soo masaafuriyay.

Dowladda Panama ayaa sheegtay in muhaajiriinta aan dib ugu laaban karin dalalkoodii ay haystaan fursad ay ugu gudbi karaan waddamo saddexaad haddii ay helaan meel ay magangelyo ka qaadan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadkan waxay sheegeen in aysan heysan meel ay aadaan. Soo galootiga ku xayiran hotelka Decapolis, oo isku dayaya inay dareenka bulshada caalamka soo jiitaan, ayaa haysta boorar ay ku qoran tahay: “Kuma badbaadi karno dalkeenna.”

- Advertisement -

Read more

Local News