27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Xog: DF oo billowday dadaal ay ku soo saareyso Uranium-ka laga sameeyo Nukliyeerka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaallo ay ku hormariso soo saarista macdanta uranium-ka. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii sannadkii hore heshiis hordhac ah la saxiixatay shirkadda Almond Energy, kaasoo lagu hormarinayo sahaminta macdanta dalka.

Heshiiskaas ayaa baarlamaanku ansixiyay toddobaadyo kadib, inkasta oo aysan soo hadal qaadin baarlamaanka iyo warbaahintuba.

Shirkadda Almond Energy waxay si joogto ah u heshaa heshiisyada sahayda Qaramada Midoobay. Shirkaddan oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa la aasaasay sannadkii 2019, waana qeyb ka mid ah shirkadda weyn ee Almond Group Holdings.

Shirkadda guud waxay leedahay 400 shaqaale oo ka shaqeeya waaxaha kala duwan, oo ay ku jiraan shirkadda diyaaradaha Almond Air and Logistics oo si joogto ah u ula shaqeysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada Soomaaliya, iyo sidoo kale silsiladda hoteellada Almond Resort. Shirkaddu waxay sidoo kale xafiis ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo diyaaradeheedu ka hawlgalaan Koonfurta Suudaan.

Heshiiska cusub ee ay dowladda la gashay Almond Energy wuxuu shirkadda ka dhigayaa saaxiibka istiraatiijiga ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee uu hoggaamiyo Wasiir Daahir Shire Maxamed, taasoo shirkadda siineysa awood aan hore loo arag oo ku saabsan arrimaha macdanta dalka.

Muqdisho waxay ballan-qaadday inay meelmariso xeer cusub oo macdanta ah oo ku salaysan mabaadi’da lagu qeexay dokumenti istiraatiiji ah oo ay diyaarisay shirkadda Almond Energy, taas oo dowladda u aragto inay leedahay khibrad sare oo arrimahan ah.

Xeerka hadda jira ayaa soo jiray tan iyo sannadkii 1984, waxaana wali lagu guulaysan hirgelinta ballanqaadkii 2021 ee ahaa in la soo saaro xeer cusub.

Soomaaliya oo ku biirtay IAEA

Iskaashiga lala galay Almond Energy, kaas oo wada-hadalladiisu socdeen xitaa kahor intii aanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegin 2022, ayaa sidoo kale dhigaya in Soomaaliya ay noqoto xubin ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA).

Soomaaliya ayaa xubinnimadaas heshay September sannadkii hore, toddobaadyo ka hor inta aan la saxiixin heshiiska hordhaca ah, iyadoo taageero farsamo ka heleysa Almond Energy iyo khubaro ka socda Kenya, oo iyadu xubin ka ahayd IAEA tan iyo 1965. Habka xubinnimadu wuxuu u baahnaa soo jeedin ka timid guddiga fulinta hay’adda, kaas oo codsiyada u gudbiya shirka guud ee sanadlaha ah bisha September.

Fursaddan awgeed, wafdi Soomaali ah oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka, Arabey Cabdi Xaashi, ayaa sanadkii hore booqday xarunta IAEA ee magaalada Vienna. Wafdiga waxaa ku wehliyey Cabdifataax Maxamed oo ah Agaasimaha Fulinta ee Almond Energy iyo Willy Murithi oo ah la-taliye ka socday Kenya, sida lagu sheegay diiwaanka IAEA.

Kulamo dheeraad ah ayaa lagu wadaa inay dhex maraan dowladda Soomaaliya iyo hay’adda IAEA bishan. Xubinnimada Soomaaliya waxay siinaysaa fursad ay ku hesho khibrad farsamo iyo maalgelin dheeraad ah, iyadoo aqbashay inay hoos timaado kormeerada loo baahan yahay ee hay’adda.

Keydka Uranium-ka ee Soomaaliya 

Fursadaha Macdanta Shirkadda Almond Energy waxay howsheeda ku salaynaysaa warbixin uu soo saaray IAEA sanadkii 1985 oo muujinaysa in Soomaaliya laga heli karo uranium gaaraya ilaa 150,000 tan, iyadoo si gaar ah loo tilmaamay gobolka Mudug ee waqooyiga Muqdisho.

Warbixintaas oo lagu soo daabacay bogga shirkadda Almond Energy, waxay soo qaadatay cilmi baaris hordhac ah oo la sameeyay dabayaaqadii 1960-meeyadii.

Cilmi baaristan ayaa waxaa fuliyay shirkadaha White Star Mining oo ka tirsan shirkadda Mareykanka ee Western Nuclear Inc, shirkadda Talyaaniga ah ee Somirem, iyo shirkadaha Jarmalka ee Uranerzbergbau iyo Urangesellschaft mbH.

Hawlihii sahaminta ayaa istaagay sannadihii 1990-meeyadii dagaalka sokeeye awgii, waxaana wali adag xaaladda sahaminta, iyadoo gobollada qaar ee ugu muhiimsan ay hadda gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Almond Energy ayaa qorsheynaya inay sameeyaan shirkad wadajir ah oo bilowga ay shirkaddu lahayd inta badan, iyadoo dowladda loo qoondeyn doono ku dhawaad saddex meelood meel saamiyada shirkadda. Deegaannada la sahaminayo waa la aqoonsaday, waxaana shirkaddu noqotay saaxiibka ugu muhiimsan dowladda ee dhinaca sahaminta macdanta.

Ganacsato xiriir dhow la leh Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sidoo kale muujiyey xiisaha ay u qabaan mashruucyada macdanta ee Almond Energy, inkastoo aysan weli qaadan ballanqaad rasmi ah. Nairobi waxay qorshaynaysaa inay ka dhisto xarun tamarta nukliyeerka magaalada xeebta ah ee Uyombo, taas oo laga yaabo inay isticmaasho uranium-ka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha lagu kala dirayo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Kenya iyo hay’ado kale oo badan ayaa rajadan shaki gelinaysa. Soomaaliya waxay sidoo kale rajeynaysaa inay xiisaha Turkiga, oo dalka saameyn weyn ku leh isla markaana leh awood dhanka tamarta nukliyeerka ah, soo jiidato.

- Advertisement -

Read more

Local News