Qaahira (Caasimada Online) – Warbixin cusub ayaa ka digtay in xanuunka HIV uu si isa soo taraysa ugu fidayo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo kiisaska cusub ay si weyn u kordheen xilli ay socdaan dagaallo hubeysan, barakac xoog ah iyo dhibaatooyin bini’aadannimo oo sii adkeeyay xasiloonida gobolka.
Ururka caalamiga ah ee Frontline AIDS ayaa qiimeyn ku sameeyay istaraatijiyadaha la xiriira ka-hortagga iyo wax-ka-qabashada HIV-ga ee gobolka, sida ku xusan Warbixintiisa “Ka-hortagga iyo Isla Xisaabtanka” ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Warbixintu waxay muujisay in waddamada Masar, Urdun, Lubnaan, Morocco iyo Tunisia kiisaska cudurka ay kor u kaceen 116 boqolkiiba tan iyo 2010, halka heerka caalamiga ah uu muujinayo hoos u dhac dhan 39 boqolkiiba muddadaas la midka ah.
Kaliya dalka Masar, warbixintu waxay caddeysay in kiisaska HIV ay kordheen 609 boqolkiiba tan iyo 2010.
Kororkaasi wuxuu dhacay iyadoo gobolka ay ka taagan yihiin xaalado amni iyo nololeed oo aad u adag, oo ay sababaan dagaallo socda, barakac baahsan iyo xaalado bini’aadantinimo oo curyaamiyay hay’adihii dawladeed, burburiyay adeegyada dadweynaha, islamarkaana carqaladeeyay howlaha caafimaadka.
Kooxo bulshada laga tirada badan yahay ah—sida dadka isku jinsi u galmooda, kuwa bedela jinsigooda, dhillayda, dadka isku duraya mukhaadaraadka, iyo maxaabiista—ayaa si gaar ah ugu nugul cudurka HIV. Waxay sidoo kale la kulmaan takoor bulsho iyo xeerar adag oo hor istaaga inay helaan adeegyada ka-hortagga iyo daaweynta.
Sida laga soo xigtay hay’adda UNICEF, sanadkii 2022, kaliya 67 boqolkiiba dadka da’doodu tahay 15 sano iyo ka badan ee qaba HIV ayaa ogaa in ay cudurka qabaan. Halka 50 boqolkiiba ay heleen daaweyn, iyo 45 boqolkiiba oo xakameeyay heerka fayraska si aanu u halis gelin caafimaadkooda.
Dhalinyarada da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 24 sano jir ayaa ka ah ku dhawaad 20 boqolkiiba kiisaska cusub.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in kororka cudurka ay sii xumeysay maalgelin la’aanta, iyadoo gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika uu helay kaliya 1 boqolkiiba maalgelinta caalamiga ah ee HIV sanadkii 2023. Waxaa intaa dheer in gobolka uu ku shaqeynayo 15 boqolkiiba kaliya taageeradii looga baahnaa si wax ku ool ah loola tacaalo xanuunka.
Faraq dhaqaale oo gaaraya 85 boqolkiiba, oo ay wehliyaan xasillooni darro dhaqaale iyo sicir barar sare, ayaa si weyn u wiiqay dadaalladii lagu xakameyn lahaa cudurka HIV.
Warbixintu waxay muujisay muhiimadda ay bulshada rayidka ahi ku leedahay dagaalka lagula jiro HIV, balse waxay xustay in meesha sii yaraaneysa ee ururrada bulshada rayidka, sharciyada xaddidan iyo kheyraadka kooban ay caqabad weyn ku yihiin waxqabadkooda.
Golda Eid, madaxa barnaamijyada ee Frontline AIDS, ayaa sheegtay in gobolka “lagu sii harayo” haddii aan si degdeg ah wax looga qaban. Waxay ka digtay in haddii la waayo tallaabo degdeg ah iyo maalgelin ku filan, uu cudurku ku fidi karo si aan hore loo arag.
“Gobolka oo dhan, ururro badan ayaa durba bilaabay isbeddel, inkastoo ay haystaan kheyraad xadidan. Haddii la helo hoggaan siyaasadeed oo xooggan, maalgelin sare, iyo ballanqaad dhab ah oo lagula dagaallamo takoorka iyo faquuqa, waxaa la beddeli karaa jihada. Fursad baa wali jirta si loo badbaadiyo nolosho oo loo dhiso mustaqbal ka xor ah AIDS, balse waqtigu waa hadda,” ayay tiri Eid.
Mohammed El Khammas, madaxa howlaha caalamiga ah ee Frontline, ayaa sheegay in tirada lagu sheegay warbixinta ay u badan tahay in ay ka hooseyso xaqiiqda dhabta ah.
“Kororka 116 boqolkiiba wuxuu la xiriiraa baahinta baaritaannada oo aad u hooseeya. Weli lama hayo xog sugan oo muujinaysa tirada dhabta ah ee dadka sida gaarka ah u saameysan. Arrintaasi waxay si weyn u xadideysaa adeegyada la gaarsiiyo. Intaa waxaa dheer, kooxahani waxay la kulmaan takoorka iyo faquuqa. Waxaan hubaa in boqolkiibadani ay noqon doonto mid aad uga sii sareysa sanadaha soo socda haddii tirada baaritaannada HIV la kordhiyo,” ayuu yiri.
Warbixintu waxay ugu dambeyntii ugu baaqday dowladaha gobolka iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah in ay si degdeg ah u kordhiyaan maalgelinta ka-hortagga HIV, ayna hirgeliyaan istaraatijiyado qaran iyo tallaabooyin wax looga qabanayo takoorka iyo faquuqa.