25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Sawirro: Cali Guudlaawe oo farriin ku socota madaxda ka soo diray Masjid Cali Gaduud

Bookmark
Bookmarked

Share

Masjid Cali Gaduud (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray difaacyada ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Masjid Cali Gaduud ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor la wareegtay gacan ku heynta degmadaas, in kastoo dib looga xoreeyey maalmo kadi boo ciidamadu ay dib ugu laabteen.

Dib ugu laabashadii ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay degmadaas, kadib markii ay isaga baxday kooxda Al-Shabaab oo markii hore dagaal ku qabsatay.

Saraakiisha ciidamada ayaa maanta wafdiga Cali Guudlaawe uga warbixiyay dagaalka Khawaarijta ee ka socda aagga, wafdiga maanta tegay waa kii ugu horeeyey tan iyo markii dib looga xoreeyey degmadaas kooxdii qabsatay ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ciidamada ku dhiirigeliyey inay ka hortagaan khatar kasta oo Khawaarijtu damacsan tahay, maadaama laga soo sheegayo  dhulka howdka ah ee degmada Masjid Cali Gaduud.

“Halgan naf-hurnimo oo aan ku badbaadineyno dhiigga iyo karamada shacabka Soomaaliyeed ayaan ku jirnaa, waana ka guulleysaneynaa burcad-diimeedka soo xad-gudbay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Maamulka HirShabelle oo ay safarkaan ku wehliyeen wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, saraakiil ciidan iyo agaasimihii hore ee canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ugu baaqay shacab iyo madax in furimaha dagaalka la yimaado, si wadajir ahna looga adkaado Khawaarijta.

- Advertisement -

Read more

Local News