Ummad walba waxay heshaa dowladdii ay mudneyd!

By SACIID CABDISALAAM

Inay muwaaddiniinta helaan xaqa codbixinta waa hannaanka ugu wanaagsan, oo ay kaga qayb geli karaan talada dalka. In laga hor-istaago xuquuqda codbixinta waxay abuurtaa nidaam kaligii-talis ah. Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi ayaa yiri “inagaa abuurna keligii-taliska, marka aynu samayno, qalabayno, oo aynu hubayno kaddib, markii uu wax gumaado, ayaynu hadhowto calaacalnaa!”

Xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo muwaaddiniinteeda waxay kobcisaa dowlad wanaagga iyo cadaaladda. Ka qaybgalinta muwaaddiniinta dejinta siyaasaddu waxay u oggolaaneysaa dawladaha inay helaan fikrado iyo macluumaad tayo leh, oo wax ku biirin kara marka ay go’aannada gaarayaan.

Nasiibdarro, heshiiska ay wadaggaleen hoggaanka fulinta heer federal iyo goboleedba, waxuu meesha ka saarayaa xaqa codbixinta muwaaddiniinta waxuu awood xad-dhaaf ah siinayaa Madaxda Maamul-Goboleedyada! Taasoo si dadban u dhiiroggelinayaa musuq iyo nin-tooxsinimo.

Durba, waxaa ballanqaad sameeyey Mudane Saciid Deni, waxuuna goob fagaare ah ku bixiyey kursiga ugu horreeyo, isagoo u ballanqaaday xubin xildhibaan Mudane Mahad Cawad.  Deni waxuu yiri “Kursiga uu Mahad la soo cararay waad soo ceshan kartaa ayaan ku dhihi lahaa, waxaan ballanqaadaya, haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaallana waan ka daba tagayaa si aan kaala shaqeeyo, ayaan halkan ka shgeeyaa”!

Xornimada kaddib, taariikhda waxay ina baraysaa in shacabka Soomaaliyeed waligiis uu afduubnaa shaqsiyaad danley siyaasadeed ah, kuwaas oo mar walba u jiheeya jiho aysan nolol iyo cadaalad ka jirin.

Kaddib, siyaasadda Soomaaliya waxay u jihaysatay bah-wadaagtii hantiwadaag oo ka arradnaa talo-wadaagga iyo nidaam loo siman yahay. Burburka kaddibna jilayaasha siyaasadda waxaa laga hagayey waddamada deriska, iyo khaliijka Carbeed! Kuwaasoo dalka ku soo daabulay hub lagu gumaado shacabka, iyo lacag lagu wiiqo wadajirka iyo midnimada dalka.

Inkastoo, xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo hannaan aan caddaalad ahayn, misna waxay horey dalka uga badbaadiyeen heshiisyo halis ku ahaa midnimada dhuleed iyo danaha qaranka, sida heshiiskii badda (Soomaaliya iyo Kenya), iyo kii DP World oo doonaysay inay xaraashato Dekedaha.

Maanta shacabka Soomaaliyeed waxay naawilayaan in Barlamaanka uu ganafka ku dhufto heshiiska “Muqdisho accord.”

Waxaa suurtoggal ah, in xildhibaannada diiddaan heshiiska, maadaama intooda badan aysan hubin inay soo noqon doonaan, haddii ay oggolaadaan inay aadaan doorasho ay maamulayaan madaxda Maamul Goboleedyada, sidaas waxaa qaba falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya. Xikmad Qadiim ah ayaa tiri: “Ummad waliba waxay heshaa dowladdii ay mudneyd”.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid