UNHCR oo saartay war muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya (Faah-faahin)

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah waxa ay dib u soo cusbooneesisay difaacida dadka qoxootiga ee ka soo cararay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee dib loo celinaayo.

Hey’addu waxa ay sheegtay in kastoo xaallada ammaan ay ka soo roonaaneyso Soomaaliya haddana meelaha qaar in ay weli ka taagan tahay xaallad khatar ah.

Hey’addu waxa ay xustay in aan la heli karin tirakoob sax oo ku aadan inta uu la egyahay xad gudubyada ka dhaca dalkaas siddaas darteed ay ku dhiiri galineyso waddamada ay magangalyada ka raadsadaan Soomaalida qoxootiga inn dhaqan galiyaan shuruucda u yaalla ilaalinta qoxootiga adduunka.

UNHCR ayaa tilmaamtay in laga shaqeyso Soomaaliya in kastoo ay dhib tahay balse waxa ay soo xigatay warbixn ay soo saartay hey’ad cilmi baaris ah oo ka shaqeysa gudaha dalka taasoo lagu magacaabo ACLED, waxaana warbixinta ay soo saartay lagu sheegay in bishii June kaliya Kismaayo ay ku dhinteen 314-qof oo rayid ah.

Warbixinta hey’adda ayaa laga soo xigtay in wax yeelada sannadkii 2012 ilaa 2013ka ay ka badan yihiin sannadkii 2011 kuwaasoo u dhexeysa 100 ilaa 600

Sannadkii horre ayaa dowladdaha Kenya, Somalia iyo Hey’adda UNHCR waxa ay saxiixeen heshiis seddax geesood ah oo lagu celinaayo Nusmalyuun qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com