Ururka ONLF oo war xasaasi ah kasoo saaray go’aankii xukuumadda R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed ayaa ka hadlay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ka laabtay go’aankii ururkan loogu aqoonsaday mid argagixiso, sidoo kalena qalad weyn ku tilmaamay tallaabadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loogu dhiibay Itoobiya.

Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay xukuumadda Rooble uu ahaa mid la wada sugayey, isla-markaana ay soo dhoweynayaan ka Urur ahaan.

“Go’aanka kasoo yeeray xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Rooble waa go’aan in badan la sugayey oo aan aad usoo dhoweyneyno qiimo weyna ugu fadhiyo dadka Soomalaiyeed,” ayuu yiri afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aankan uu macno weyn ugu fadhiyo Ururka ONLF iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ururka ONLF macno weyn ayuu u sameynayaa, shacabka iyaga macno weyn ayuu u sameynayaa, maxaa yeelay annagu waxaan hormuud ka nahay ama aan hoggaamineynaa halgan uu iska leeyahay shacab gobanimo doon ah oo wadani ah oo Soomaali ah oo xaq qaddiyad ku taagan daba socda,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu afhayeenku hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid kale oo argagixiso u taqaanay marka laga reebo dowladdii hore ee Itoobiya.

“Qaddiyad dambi laga geli karo ma ahayn oo lagu tilmaami karayo inay tahay argagixiso dowladdii Itoobiya ee hore oo aan annaguna argagixiso u naqaanay, iyaduna argagixiso noo taqaanay mooyaani cid bani’aadam ah oo noo taqaanay inaan argagixiso nahay ma jirin,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.