Ururka ONLF oo yeeshay hoggaan cusub (Aqriso)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirweynaha ururka ONLF oo lagu qabtay magaalada Godey ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu doortay hoggaan cusub oo uu yeeshay ururkaasi.

In ku dhow 600 oo Ergo ah ayaa ka qeyb gashay shirkaasi iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ururkan oo muddo la dagaalamayey dowladda Itoobiya, hadana isku bedalay mid siyaasadeed ayaa waxaa xilka guddoomiyaha ku tartamay illaa laba musharrax oo kala ahaa, Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey iyo Axmed Yaasiin.

Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaashii ONLF ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururkaasi, wuxuuna helay 340 cod, halka musaharraxa kale uu la yimid 251 cod, sida uu natiijada guddiga qabtay doorashadaasi.

ONLF oo u dagaalami jirtay xoreynta dhulka Soomaali Galbeed ayaa sanadkii hore  joojisay dagaalkii ay waday waxaana ay ku dhawaaqday inay tahay xisbi siyaasadeed.

Arrintaasi ayaa waxa ay ku timid, kaddib heshiis ay la galeen xukuumaadda  Ra’iisu lwasaraaha Itoobiya, Abiye Axmed oo isbedal ballaaran ka sameeyey dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com