Waddani: Milteri ayaa taladii SOMALILAND la wareegay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa markii u horeysay sheegay in talada xukuumada Somaliland ay u gacan gashay Rag Milliteri ah.

Waddani ayaa ka dhawaajiyey in Milliteriga loogu talo galay cadowga soo duula, balse aan looga baahneyn in muwaadiniinta reer Somaliland ay ku qabtaan gacan adag.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa arrintaasi ka dhawaajiyay, isagoona xusay in Mas’uulka ugu Sareeya Somaliland ee Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Arrimaha guduhu ay yihiin Milliteri.

Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu xilalka ugu waaweyn ku taxay niman Milliteri ah, kaasi oo uu ugu dambeeyay Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna yiri

“Waxa la moodaa inaynu wada Militeriga noqonay, oo madaxweynihii waa Militeri, wasiirkii arimahaa guduhu waa militeri, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedelay taliye militeri ah”.

“Taliyihii ciidanka asluubta waxa laga dhigay taliye militeri, militeriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga”.

Xirsi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay yihiin kuwa ugu mushaarka yar ee ku shaqeeya duruufaha adag, isla markaana loo baahanyahay in loo kordhiyo mushaarka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa