DF oo war ka soo saartay fatahaadaha wabiyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid fatahaadihii ay samaynayeen wabiyada Jubba iyo Shabeelle, hase yeeshee hadii ay dalka ka da’aan roobay kale ay wali taagantahay khatarta ah in ay dhacaan fatahaado kale.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa”.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa mahadcelin loogu jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka iyo sidoo kale dalalka caalamka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo fidinayay qoysaska Soomaaliyeed ee qeybo ka mid ah dalka ay ku saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da’ay.

“Dowladdu, waxay mahad celin balaaran u jeedinaysaa ganacsatada Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda gurmadka xoogga leh oo ay u fidiyeen walaalahooda ku wax yeeloobay daadadka ku soo rogmaday iyo fatahaadaha webiyada. Sidoo kale,Dowladdu waxay marlabaad umahadcelinaysaa Dowladaha saxiibada caalamka ee gurmadka fatahaadaha ka gaystay gacan wayn”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen ee fatahaaduhu ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in uu si habsami leh u socdo.

“Dwladda Soomaaliya waxay rajo weyn ka qabtaa inuu si guul ah ay ku soo gaba gaboobaan labadii weji ee hore qorshii ay dejisay dowladu ee afarta weji ahaa inkastoo ay dadku ay u baahanyiihin caawin ilaa inta ay dib uga soo ceshanayaan noloshoodii.Sidoo kale waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad in dib ugu celin dadka barakacay guryahoodii iyo dayactirka iyo dib u hawlgelinta goobihii adeega Bulshada sida iskuuladii, goobihii Caafimaad iyo wixii la mid ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Ugu dambeyntii Labada waji ee sedaxaad iyo afaraad ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in hadda la guda galayo,  iyadoo dowladdu shacabka dalalka caawiya Soomaaliya ka dalbatay in ay sii wadaan kaalmadooda ku aadan gurmadka lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

“Waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad iyo kii afraad ee Qorshaha, sidaas awgeed, Dawladdu waxay Shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Dawladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan Gurmadka iyo Taakulada la gaadhsiinayo dadka ay roobabka iyo Fatahaadu wax yeeleeyeen”.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com