25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

VIDEO: 160 sano jir Itoobiyaan ah oo noqday qofka ugu weyn caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dhaqabo Ebba oo sheegtay inuu jiro 160 sano una dhashay Qowmiyada Oromada ee dalka ka mid ah qowmiyaha ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dhashay sanadkii 1853-kii, kaasoo noqonaya qofka adduunka ugu weyn ee xiligan nool.

Dhaqabo Ebba, waxa uu ku nool yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Oromiya, waxaana waraysi uu siiyay telefishanka Oromiya Tv ayaa wuxuu ugu hadlay taariikh dheer oo ku saabsan qarnigii 19-aad iyo wixii uu u soo joogay.

Odaygan weli da’da uu sheegtay ka muuqan ayaa wuxuu ka waramay duulaankii ciidamadii Talyaaniga kusoo qaadeen dalka Itoobiya, xiligaasi uu uu sheegay inuu lahaa Labo Xaas, wiilkiisa ugu weyna uu ku dhowaa Xoolo raac.

Dhaqabo Ebba ayaa haysan wax caddeynaya da’da uu sheegtay ama warqadaha dhalashada, inkastoo xiligaasi ay adkeyd in la helo shahaadada dhalashada maadaama uu ku dhashay dhul buuraley ah.

Dhaqabo Ebba ayaa da’da uu sheegtay waxaa uu ka weynaanayaa 38 sano haweeneydii loo aqoonsaday iney adduunka ugu cimri dheereyd qarnigii tegay, ee u dhalatay dalka Faransiiska oo lagu magacaabi jiray jeanne calment, taasoo ku dhimatay 122 sano jir iyadoo aheyd.

HALKAN KA DAAWO

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News