SHIRKA BRUSSELS: AFKA BAARKII

Shrarka In badan lagu Ururriyo Dhqaalaha loogu tala galey Dalalka ay Aafeeyeen Dagaalada Sida Soomaaliya ayaa sidii uu u Dhamaadey Dagaalkii Qaboobaa waxaa uu ku soo Ururey Afka Baarkii waxaana inta badan aad arkeysaa Dalal aad uga Cabanayaa Lacagihii lagu Yaboohey oo aan la soo Gaarsiinin ,

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ka qab galey Shir Soomaaliya Dhaqaale loogu yaboohayey waxaana uu ka dhacay Wadanka Biljam Magaalo Madaxdiisa Bruselles waxaana Xiligaas Dowlada Soomaaliya loogu yaboohay ilaa 250 Milyan oo Doolar taasoo ay si aad ah ugu farxeen Shacabka Soomaaliyeed hase yeeshee Shiikh Shariif intii uusan Xilka ka degin ayuu Afka labadii yeerey isagoo sheegey in Dhaqaalhii loogu Yaboohay Soomaaliya Shirkii Belgium ay ka heleen ilaa Sedex Milyan oo Doolar “Inta la Fidhiyo Shirka ayaa Dal waliba waxay ku Dhawaaqaysaa Lacagtii Soomaaliya ugu Yaboohday waxaana markiiba Saxaafadda la gelinayaa Soomaaliya oo Malaayiin Doolar ka heshey Beesha Caalamka marka waxaan leeyahay Yabooh kasta waxaa uu ku Biya Shubanayaa Afka baarkii “ayuu yiri Nin Siyaasi ah oo si aad ah ula Socda Yaboohyada ay ku Dhawaaqaan Dowladaha Adduunka

Hadii uu Dagaalkii Qaboobaa uu jiri lahaa Dadka Siyaasada Odorosa waxay leeyihiin Dhaqaalahaasi waa u soo Xaroon lahaa hase yeeshee Quwadiihii Loolanka uu ka Dhaxeeyey waxay Noqotey Mid kaliya marka ha sugin Dhaqaale inta laguu soo Ururiyo faraqa laguugu Shubayo,Hadaba Muxuu kaga Duwan Shrka haatan lagu Balansan yahay ee ka Dhacaya Wadanka Belgium waxaa Dhab ah in Shrkaasu la mid yahay Shirarkii hore ee Soomaaliya Lacagaha badan loogu Yaboohay oo markii Dambe noqdey ka soo Xarootey lacag aad u yar.

Markii aad Baryaha ka Badiso oo Waraaqaha Codsiga uu kaa Dhamaado ayaa waxaa marka dambe laguu soo Tuurayaa Xogaa aad u yar markaad Weydiisana waxay Dowladu ku leedaha intaa baan kuu heli karaa ee ma qaadaneysaa , Markiiba Shafkaad kula Carareysaa marka Dunida maanta Joogta waxay Yabhoodu uu Noqdey ‘Qowada Ma Qashii waxna ha u qaban

Odey Dhaqameed ka Tirsan Beelaha Soomaaliyeed isagoo ka Hadlaya Yaboohyada ama Qaaraanka Beesha Caalamka ayaa waxaa uu yiri isaga oo la mid Dhigaya Qaraamada Beesha marka ay Ururineyso ee la isugu yimaado Madasha Shirka“ Marka la fadhiyo Madasha Beesha oo ay shirka ka soo Qayb galaan Raga ugu Tunka Weyn Beesha iyo Jeeb Weynayaasha waxay markiiba iyagoo Beesha is ka gadaya yiraahdaan Intaa igu Qor waxaa markiiba lagu Tuurayaa Duca waxaana leeyahay Xoolahaada Ilaah ha kuu Barakeeyo ,markii ay Bilaabanto Ururinta Qaaraanka ayaa waxaa Dhaca in Jeeb Weynihii lacagta Balan qaadey marka ay Kabaha kaa Dhamaadan ayaa wax aan la Fileyn kuu soo tuuraa , markii aad Tiraahdid war waxaan ma Aadan Balan qaadin ayuu waxaa uu ku leeyahay Saaxiib meeshaa kuu Camirayey oo ma Run baad moodey Balan qaadkeygii marka Qaaraan Beesha Caalamka waxaa la mdi Dhigayaa ururinta Qaaraanka Beesha Caalamka “

Dhinaatadii Soomaaliya ka Dhacdey ma jirto Dowlad reer Galbeed ama Mareykan oo Soomaaliya lacago ugu Deeqey hase yeeshee Dowladaha Carabta ayaa la dhihi karaa waa Dowladaha Dadka Soomaaliyeed Siiyey waxa ay u balan qaadeen welibana Mar walibana Gacansiiya Dowladda Xiligaas Jirta hase yeeshee Sidii ay u dhacdey Dhacdadii 11 September 2001Dalalka Carabta waa ay yareeyeen kaalamadii ay Soomaaliya Siin jireen ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Dowladaha Xoogga is bidaya.

marka Ciddii Sugeysa in Dhaqaaale ay kasoo Helayaan Brussels Candhuufta Dib ha u liqaan waxayna arrintu Yabooha Dhaqaalaha Beesha Caalamku uu ku soo Uruurey Afka Baarkii, weliba waxaa laguu sii raacinayaa Aflagaado oo waxaa lagu leeyahay Lacaghii aan Soomaaliya ugu Deeqney waa la Musuqmaasuqey waxaana arrintaa ka Hadley Madaxweynihii hore Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo yiri” Iyaga oo aan wax bixin ayey Hadana ku Eedeynayaan” marka waxaan ku soo Gunaanadayaa Qoraalkeeda Soomaalida waxay Tiraahdaa “Kuu Dhaamimaa Dhagar waa ka Roon tahay”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk