Brussels (Caasimada Online) – Shir loogu talo galay horumarinta Somalia ayaa maanta oo isniin ah ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium oo hadda madaxda Soomaalida qaarkood ay gaareen.
Shirkan ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamulada Puntland, Galmudug, iyo Maamulka KMG ee Jubba. Waxa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobolada qaarkood.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Brussels ku qabtay shir jaraa’id oo ay warbaahinta su’aalo ku weydiiyeen, waxaana uu kaga hadlay ujeedada shirka iyo kaalinta dowladda Somalia iyo maamulada kale ee ka qeyb galaya.
Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected]