Dhageyso: Brussels oo maanta uu ka furmayo shirka New Deal

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya , kaa oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka caalamka , Hey’ado caalami ah iyo walibba dowlada Soomaaliya oo shirkaas ay ku wehliyaan Mas’uuliyiin dhankooda matalaya maamulada gobolada dalka .

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar Waa mudane ka tirsan gudiga arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya dhanka kalena ka mid ah xubnihihii u ololeynayay in qorshaha New Deal laga hirgaliyo gobolada dalka Soomaaliya waxaynu wax ka weydiinay waxa uu  yahay ujeedka shirka  maanta ka furmaya Magaalada Brussels.

Wuxuu sheegay In shirkaas uu yahay mid soomaaliya lagu taagerayo isla-markaana dhaqaale loog u raadinayo maadaamad sida uu sheegay soomaaliya xilligan ay ka gudubtay Marxaladii Kmg aheyd.

Muxuu yahay qorsha dowlada Soomaaliya ay la hortageyso shirka Brussels maanta ka furmayo Su’aashaas waxaynu hordhiganay  xildhibana Maxamed Nuuraani baker, waxaana uu sheegay in la qorshaha dowlada Soomaaliya ee ku aadan shirkaas inuu yahay mid degan , kaas oo sida uu tilmamay dowladu ay ka shaqeynaysay mudo 5 bilood ah .

Wuxuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay degisay qorshe ku aadan shirkaas , waxaana uu shaaca ka qaaday inay qorshayaashaas ay qeyb ka yihiin adeegyada Bulsgada amnga iyo dhaqaalaha .

Dowlada Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay qaabka loo maareyanyo dhaqaalaha ka soo xarooda shirka Brussels oo sida la tilmaamay dhaqaalo loogu raadinayo Soomaaliya ,

Xildhibaan maxamed Nuuraani wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku quus qaadaneyso shirarkiihore dhinacyada Soomaaliya loogu qaban jiray qaabka loo maamuli jiray isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka loo maamulayo dhaqaalah shirkaas kasoo xarooda ..

Dhanka kale Aqoon yahay C/qaadie cabdule cali wuxuu ka mid yahay aqoonyahana somaaliyeed isgoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaynu wax ka weyndiinay waxa shirkan uu ka badali karo shirarkii hore soomaalida loogu qaban jiray dalalka caalamka .

Aqoonyahanka ayaa sheegay in tan iyo dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan Dhinacyada Soomaalida Shirar loogu qaban jiray dalalka Caalamka isla-markaana in shir laoo qabtaa Soomaaliya uusan ahayen mid micno sameynsa balse muhiimada ay tahay in dowlada Soomaaliya ay a hortagto qorshe cad oo degan .

Aqoon  yahan C/qadir Cabdule ayaa  qaba fikr ah Inuu jiro iska war qab la’aan ka dhexjira dowlada iyo maamulada dalka , waxaana uu sheegay inuu jir is bar baryaac maamulada dalka iyo hogaanka ugu sareeya dalka.

Ugu dambeyn aqoon yahan C/qaadir Cabdule ayaa sheegay in loo baaha yahay id dowlada Soomaaliya looga fadhiyo inay la timaado is badal dhab ah  iyo in wax laga bado awooda dhanka hogaanka ugu sareeya dalka sida uu tilmaamay.

Halkaan ka dhageyso Dood Ku aadan Shirka Brussels

Halkaan ka Dhagyso Dood Ku aadan Shirka Brussels

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com