Video: Dhul boob xoogan oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wassaarada Howlaha Guud iyo Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay dhisme ka socday degaanka Bangaaiyada oo u dhow oo la sheegay in ganacsato ay dhisme ka bilowday.

Dhulka oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa leh shaqaalaha Bankiga oo ay u hadleen Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe Maxamed Xaaji Cilmi iyo Khasnajiga dalka ee ku saxiixan Lacagta Soomaaliga ayaa si qiiro leh uga hadlay boobka lagu hayo xaqoodii dhulkaasi ay ku yeesheen.