VIDEO: DHULKU Miyuu ku wareegtaa CADCEEDDA? (MUCJISDA ISLAAMKA)

Dhulku waa meere Mucjis ah oo  kamid ah meereyaasha ku mideysan xiddigta Cadceedda. Waxaa loo yaqaan bahda uu ka tirsan yahay Solar System (Bahda ay Cadceeddu mideysay). Waxbadan inkastoo muran uu ka taagnaa in Dhulku uu wareego iyo in kale, waxaynu maanta qaadaa dhigi doonnaa xarakada ama dhaqdhaqaaqa Dhulku uu sameeyo, innagoo adeegsanayn diinteena  Islamka waxa ay arrintaasi ka qabto iyo culimada falagga waxa ay ka yiraahdeen.

Waxaa caan ah oo dadka oo dhami ay aminsan yahiin in Dhulku uu dowra ama wareeg ku sameeyo Cadceedda sidaba ay meerayaasha kale ee la bahda ahi ay iyana u sameeyaan. Su’aashu waxay tahay arrinkaasi miyaa lagu tilmaami karaa dowra ama wareeg uu Dhulka sameeyo?

Haddaynu eegno aragtida culimada Falagga, waxay qabeen muddo dheer, in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, inkastoo xaqiiqa taas ka duwan ay dhawaan ogaadeen. Wareeg waxaa loo yaqaan sida in sheygu uu ka dhaqaaqo meel, isagoo xariiq quman oo wareeg ah ku socda kuna soo laabto isla meeshii. Laakiin xarakada Dhulka uu cadceedda ku sameeyo waa ay ka duwan tahay sidaas, inkastoo isla waqtigaasi loogu yeero marmar erayga ’’Wareeg’’

Haddii aynu ka dhex bixi kari lahayn Bahda ay Cadceeddu  mideysay, oo aynu meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka aynu kasoo eegi lahayn Dhulka, waxaan heli lahayn natiija ah in Dhulku uu duulaya, isagoo u socda sida Shimbir oo kale, kuna socda jawi kor-u-kac iyo mar hoos-u-dhac ah.  Dabcan sida aynuna ognahayna, Dhulku wuxuu jaraa 225 milyan oo sano, si uu halmar u guto wareeggiisa kowaad ee uu ku dul wareeganaya Mujarradka (Galaxy-ga) uu ka tirsan yahay ee Milk way (Darb- ad-Dabbaana/Diilinta Gurey).

Haddii ay qof usuurtoobi lahayd inuu noolaado muddadaasi 225 000 000 oo sano ah, waxaa usuurtoobi lahayd inuu la kulmo, ama goob joog u ahaado halka wareeg ee uu Dhulku ku sameynayo Galaxy-ga Milk way. Laakiinse marka aynu aragtideenna gaaban iyo cimrigeenna xaddidan ku eegno, waxaa inoosoo baxaysa oo keliya, inaanu goobjoog u noqon karno, wareegga Dhulka ee Cadceedda, kaasoo Dhulka ku qaato muddo 365 maalmood ah inuu halmar uun ku wareegto Cadceedda.

Waqti dheerba waxay culimada Falaggu aaminsanaayeen in Dhulku qad-wareegsan uu kaga wareegto Cadceedda, laakiin markii ay baareen wareegga ay Cadceeddu qudheeda ku sameyso Galaxy-ga Milkway, baa waxay ogaadeen inay xawaare saa’id ah adeegsato, iyadoo Dhulka iyo meerayaasha kalena iyo dayaxyadooduna ay raacaan markaasi. Halkaas buu dhulku adeegsadaa xaraka ama dhaqdhaqaaq la moodo gil gil, oo sida mowjadda oo kale ah, oo kor-u-kac iyo mar hoos-u-dhac leh.

Dhulka marka aynu kasoo eegno soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, waxaanu arkeynaa in uu ku wareegto Cadceedda. Laakiin haddaynu ka baxno soohdinta Bahda ay Cadceedu mideysay, fikraddaasi miyay sii jireysaa?
Dhulka marka aynu kasoo eegno soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, waxaanu arkeynaa in uu ku wareegto Cadceedda. Laakiin haddaynu ka baxno soohdinta Bahda ay Cadceedu mideysay, fikraddaasi miyay sii jireysaa?

Marka aynu meel ka baxsan soohdinta Bahda Cadceeddu ay mideysay aynu kasoo eegno Dhulka, waxaynu heleynaa in Cadceeddu ay ku dulwareeganayso Galaxy-ga Milkway, iyadoo ku socoto xawaare aad u sarreeya, adeegsanaysana xaraka quman, oo orod ah.  Markaasi waxaa Cadceedda la guuraya bahda ay mideysay ee Meereyaasha ah oo Dhulku uu kamid yahay iyo dayaxyadooda. Waxaa kaloo la guuraya ’’Suunka Astroid-yada’’ iyo weliba Meteoroidiyada (Niyaazik) tirada badan ee hoos yimaada Bahda ay Cadceeddu mideysay.  Xaaladdaa iyada ahi, lama arki karaya wax wareeg ah oo Dhulka uu Cadceedda  ku sameynaya.

Sawirkani waa marka laga soo eego Cadceedda iyo Bahda ay mideysay, meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka. Waxaad u jeeddaa iyadoo ay Cadceeddu ku wareeganaysa Galxy-ga oo ay lasocdaan Bahdeeda.
Sawirkani waa marka laga soo eego Cadceedda iyo Bahda ay mideysay, meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka. Waxaad u jeeddaa iyadoo ay Cadceeddu ku wareeganaysa Galxy-ga oo ay lasocdaan Bahdeeda.

Sida uu sawirkani sare cabbiraya, waa Cadceedda iyo meerayaash marka laga soo eego meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, iyagoo ku wareeganaya ubucda Galaxy-ga ay ka tirsan yahiin ee Milk way. Socodkaasi isaga ahi, Cadceeddu waxay adeegsanaysaa xawaare aad u sarreeya, waxaadna arki karaysaa, in Cadceedda iyo Meereyaasha oo dhami ay baratan xowli ah ku jiraan. Raad sida birta spiraalida ama moollada loo yaqaan oo kale ayay sameeyaan, iyagoo meerayaashu ay hawada ku duulayaan, oo dhammaan daba guuraya Cadceedda. Xaaladdaasi iyada ahi inooma muuqato in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, balse wuu daba guuraa isagoo duulaya, oo aanu midna mid kale haleelayn. Dayaxa oo marna hor dhacaya Dhulka marna dib dhacaya, ayaad ka arki karaysaa sawirka, taasoo aad moodeyso in uu u muuqanaya inuu mar Cadceedda dhaafi  rabo, marna aad u moodda inuusanba gaarahayn. Xaaladdaasi iyada ahi ma jira meere haleelaya Cadceedda ama meere kale amaba dayax kamid ah dayaxyada meereyaasha. Midna ma usuurtoobayso inuu gaaro kan kale, waxaana lagu wada jiraa socdaalkaasi dheer ee malaayiinta sano qaadanaya, iyadoo dhammaan ay adeegsanayaan xawaare culus oo ay idilkooduba daba guurayaan Cadceedda.

Arrinkaasu Quraanka kariimka ah ayaa ka warramay 1400 sano kahor, markuu Ilaah Sarreeye yiri:

Suuradda Yaasiin: aayaddaha 38d- 40d
Suuradda Yaasiin: aayaddaha 38d- 40d

Marka aad eegto aqoontan sheegeyso in Cadceeddu ay xawaare toosan ku orodda marka ay ku wareeganayso Galaxy-ga Milkway, waxaad ogaanaysaa in Quraanka uu taasi 1400 sano ka hor ka warramay. Waxaa kaloo cajiib ah, aayadda 40d ee Suuradda Yaasiin waxay inoo tilmaamaysaa, in Cadceed ama dayax ama mid mid haleeli karo uusan jirin, iyadoo dhammaan meereyaashu ay ku socdaan falag u gaar ah oo ay dabaalanayaan. Nacam, xarakada ay sameynayaan dhammaan meereyaasha marka ay daba guurayaan Cadceedda ee ay kusocdaan inay kusoo wareegtaan ubucda Galaxy-ga waxay u muuqaal egtahay sida hir oo kale, ama duulidda Shimbirka, taasoonu ognahay in raadka uu sameeyo Shimbirku mmarka uu duulaya inay tahay raad kor-u-kac mar iyo hoos-u-dhac mar ah.

Xaaladdaasi Ilaahay isagoo Quraanka ku cabbiraya 1400 sano, wuxuu yiri:

Suuradda Al Mursalaat: aayadda 25d
Suuradda Al Mursalaat: aayadda 25d

Ereyga ugu dambeeya aayadda ’’Kifaataa’’ qaamuuska Carbeed marka laga eego, wuxuu kusiinaa saddex macno oo kale ah

  1. Deg deg, ama xawaare sare. Waxay yiraahdaan ’’Kafata Ar- Rajulu’’ bicmacnaa ninkii wuu deg degey. Macal cilmu waxaynu ognahay in dhulku uu ku duulo xawaare aad u sarreeya marka uu ku wareeganaya Galaxy-ga Milkway. Wuxuu jaraa saacaddii in ka badan 700 000 km. Haddaba macnahaasi kowaad waxaynu ka heleynaa in Dhulku uu xawaare sare ku duulo.
  2. Macnaha labaad wuxuu yahay, ’’Gadgaddoon, kor-u-kac iyo hoos-udhac leh’’. Isagoo sheygii uu gadgaddoomaya, ayuu isla markaas haddana kor-u-kac mar ah iyo hoos-udhac mar ah sameynayaa. Waxaa arrintaasi sawir qurux badan inaga siinaya sida shimbirku uu u duulo.
Waa sawir inoo muujinaya raadka uu shimbirku sameeyo marka uu hawada duulaya, isla markaana wuxuu ina siinayaa sawir qurux badan oo inoo sharraxaya sida uu u muuqdo ama ugu daba guuro Dhulka Cadceedda, marka ay ku wareeganayaan Galaxy-ga.
Waa sawir inoo muujinaya raadka uu shimbirku sameeyo marka uu hawada duulaya, isla markaana wuxuu ina siinayaa sawir qurux badan oo inoo sharraxaya sida uu u muuqdo ama ugu daba guuro Dhulka Cadceedda, marka ay ku wareeganayaan Galaxy-ga.

Macnahani labaad wuxuu ina siinayaa in dhaqdhaqaaqa Dhulku uu yahay mid duulo, oo marna hoos u dega marna sare u kaca. Quraanka marna inama baraya in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, laakiin wuxuu inoo sheegayaa in Dhulku uu duulo (Kifaataa). Sidaa darteed Quraanka kariimka ahi, wuxuu inaga tusayaa xarakada Dhulka meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay. Haddii Galaxy-ga oo idil ay nolali ka jiri lahayd (Allaahu aclam inay ka jirta) oo ay makhluukhaat kale ku noolaan lahaayeen, waxay noqon lahayd inay arkaan xaqiiqada sawirka uu Quraanka inaga siinaya dhaqdhaaqa Dhulka.

Haddii Quraanka uu oran lahaa, in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, markaasi wuxuu nalagu macaamili lahaa aragtideenna xaddidan ee ku eg Soohdinta bahda aynu ku jirna ee Bahda ay Cadceeddu mideysay. Taasoo maanta ay ka hor iman lahayd aragtida cilmiyeed ee koonka ee ay dhawaan ogaadeen culimada Falagga. Dhab ahaan Quraanka kariimka 1400 sano kahor ayuu ka warramay xaqiiqada dhaqdhaqaaqa Dhulka, taasoo maanta ku ah mucjiso xujadeeda leh Mulxiddiinta diiddan jiritaanka Ilaah, munaafiqiinta ka shakisan jiritaanka warka dhabta ah ee Quraanku uu sheegay, Yuhuud iyo Nasaaro iyo Murtaddiinta fara kutiriska ee indhaha la’.

  1. Macnaha saddexaad ee Qaamuusku uu ina siinaya waa ’’Ad Dammu wal Jadab’’ Iyadoo dhulku uu xowliga ogaanta kusocda, haddana wuxuu leeyahay dhowrid iyo soo jiidasho. Marna ma dhacaysa inay ina saameyso, xarakada uu sameynaya ee xowliga ah marna uu sare ugu kacaya marna hoos ugu kacaya. Waxaana taasi inoo tilmaamaysa aayadda 26-aad ee sare ee suuradda Al Mursalaat. Nolol iyo geeriba Dhulku wuxuu leeyahay kifaat, mana kugu saameynaya arrinkaas. Ilaahay isagoo istiqraarkaasi inooga warramaya wuxuu yiri:
Suuradda Al Ghaafir: aayadda 64d
Suuradda Al Ghaafir: aayadda 64d

Bal u fiirso! sida maanta 1400 sano kadib uu cilmigu u waafaqaya kitaabka Quraanka kariimka ah? Sidee buu nebi Carbeed oo joogay xilli mugdi ah, oo tiknolooji iyo qalab aysan jirin, uu u heli karaa cilmi intaa dhan? Sidee buu ku ogaaday nebi Muxammad (NNKH) xilligaasi in Cadceeddu ay ku roorto dariiq ay leedahay, dhulkuna uu duulo, ee uusan ku wareegan? Sidee buu Muxammad (NNKH) 1400 sano ka hor ku cabbiray xarakada Dhulka marka laga soo eego meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay? Siduu Muxammad (NNKH) ku ogaaday in Dhulku uu soo jiidasho leeyahay? Siduu ku ogaaday in Dhulku uu xawaare sare ku duulo, iyadoo sidaas ay tahayna uusan u saamaynin noolaha iyo meytida ku dul sugan? Subxana-Allaah!

Waa wax cad in bashar uusan intaasoo cilmi ah heli karin xilli uu waqti mugdi oo haba yaraatee qalab ama teknolooji uusan jiray. Dariiqa uu ku heley waxaasoo cilmina ay tahay  waxyi ka yimid Allaha cilmiga badan ee Rabbiga Caalamiinta ah. Ha barakooba magaca Rabbiga Caalamiinta oo dhan.

Rabbigannow!! adigaa mahad idilkeed iskaleh, inaga yeeshay Muslimiin.

Halkan hoose ka daawo video arrinkan sii sharxaya

WD: Mohammed  Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi

_______________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.