Caasimada Online: Maalgashiga iyo dhaqashada Xoolaha nool, gaar ahaan Geella ayaa waayadii hore ahayd mid ku kooban Baadiyaha, laakiin waayadii danbe waxaa soo if baxay in shirkadaha Soomaaliyeed ay bilaabeen ineey maalgashtaan Geella.
Shirkado waaweyn oo ay ugu horeyso shirkada Isgaarsiinta Hormuud, ayaa waayadii danbe bilaabay iney maalgashtaan Geela, iyagoo sameeyay shirkado gaar ah oo Caanaha Geela usoo iib geeya magaalada Muqdisho.
Shirkadahaas waxaa kamid ah, “Iisoo Maal”, “Iisoo Lis” iyo shirkado kaloo hada iyagana bilaabay ineey ka faa’iideystaan Caanaha Geela.