Faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka ay leedahay Galmada. (Wax ka ogow)

FAA’IIDOOYINKA GALMADA:

     Kolka ay galmadu ku dhacdo tabihii iyo tiradii looga baahnaa, waxa ay qofka u leedahay dhowr faa’iido:-

1-        Jirka iyo maskaxda ayay firfircooneysaa.

2-        Dareemayaasha ayay fududeysaa .

3-        Madax wareerka ayay bi’isaa.

4-        Waswaaska ayay qofka ka qaaddaa.

5-        Waxay xoojisaa aragga, wanaajisaa wadnaha, kaalmeysaana qashin saarka kilyaha.

6-        Dhiiggay cusbooneysiisaa.

7-        Waxaa ku bogsada dadka balqanku faraha ba’an ku haayo.

DHIBAATOOYINKA GALMADA

     Galmada oo uu qofku iska badbadiyo, jirkiisu inta uu xamili karo ka badanna ku khasbo dhibaatooyinka ka dhasha waxaa kamid ah:-

1-        Maskaxda iyo murqaha ayay qallajisaa.

2-         Fahmada iyo fudaydka ayay qofka ka qaaddaa.

3-        Jirka iyo lafaha ayay daalisaa. 

4-        Cumriga qofka ayay soo dedejisaa. 

W/D: Sabriye Macallin Muuse