27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

VIDEO: Xaaji Maxamed Yaasiin oo si aad ah u weeraray Dowlada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xaaji Mahamed Yaasiin oo dhow jeer oo hore ku guuldareestay Xilka Musharaxnimo ee Madaxweynaha ayaa weerar kulul ku qaaday Dowlada Faderalka Somalia ee haatan Sanad jirsatay asagoo dhaliilo xoogan u jeedinaya Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Proff Hassan Sheikh Mahamud.

Xaaji Mahamed Yassin ayaa codsanaya in Magaca Villa Somalia laga badalo oo lagu magacaabo Madaxtooya asagoo sheegaya in halkaa aysan aheyn meel Magac Somalia dhan lagu mateli karo waxuuna yiri waa goob hal reer maamulo waxuuna yiri

“Villa Somalia waxaa joogo oo ka taliya Reerka Madaxweynaha kan cunada kariya, kan ilaalada ka ah, Agaasimaha Madaxtooyada ilaa kan maaliyada waa hal qoysa mana ahan wax cadaalad ah ”

“Inta uu Xasan sheekh madaxweyna noqon waxuu ahaa nin fiican oo akhlaaq leh oo dadka ixtiraam badan siiya balse haatan waxaad moodaa in la sixray oo uuba is badalay” ayuu hadalkiisa ku sii daray…

Musharaxii hore ee Madaxweyne Xaaji Mahamed Yaasiin ayaa dhaleeyn xooga jeedinaya waxaadna ka arki kartaa Muuqaalka Video-ga ee nala daawo…

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News