26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Video: Imaaraadka oo ciidamo geeyey jaziiradda Suqatra ee u dhow Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Suqatra (Caasimada Online) – Dibadbaxyo carreysan ayaa ka billowday jasiiradda Suqatra ee u dhow Soomaaliya kadib markii Imaaraadka ay geeyeen 10 askari oo lagu daad gureeyey afar diyaarad.

Dadka deegaanka ayaa taleefishinka Al-Jazeera u sheegay in afarta diyaarad ee Imaaraadka ay si sharci darro ah ku yimaadeen, si ay u cabsi geliyaan dowladda beesha caalamku ay aqoonsan tahay ee Yemen.

Jaziiraddaan ayaa kaliya 80 KM u jirta Soomaaliya, hase yeeshee waxaa lahaanshaheeda sheegta Yemen.

Muuaqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo ku qeylinaya erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Dadka deegaanka ayaa ka carreysan in ciidamada Imaaraadka ay ceyriyeen ciidamadii dowladda Yemen ee ilaalada ka ahaa jaziiraddan.

Jaziiraddan ayaa waxaa ku nool 60,000 oo qof, waxaana maamula dowladda Yemen.

- Advertisement -

Read more

Local News