Doxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Kulan balaadhan la qaatay Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar isaga oo uga warbixiyay xaaladaha uu dalku marayo Iyo Waxyaabaha diirada lagu saaray Kulamadii dhex maray Dawladda Qadar.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Cumar Idiris iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Cali Askar, ayaa Madaxwaynaha uga waramay Xaaladaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Qadar.
Aqoonyahano iyo Ururda Dhalinyarada ayaa Madasha kusoo bandhigay Waxyaabaha ay Bulshada Soomaaliyeed u Qabteen, iyadoona ay Tallooyin kala duwan Dawladda Soomaaliya u soo Jeediyeen, Wuxuuna madaxwaynahu Balan qaaday in la Furi doono Xarun qaabilsan Xidhiidhka Jaaliyadaha.
Madaxwayne Farmaajo ayaa dhinaca kale ka hadlay sida uu ugu kalsoon yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo howsha uu shacabka u hayo.
Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa ka dhawaajiyey inuu soo magacaabay Raysalwasaare Howlkar ah, Wuxuuna sheegay in isaga Doorkiisu yahay inuu soo Bandhigo halka socdo, Islamarkaana Raysal wasaaraha iyo Xukuumadiisa looga Fadhiyo Siday halkaasi u gaadhi lahaayeen, aadna uu ugu kalsoon yahay.