27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Video: Madaxweyne Geelle oo soo gaaray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ku jira xildhibaano wasiiro, ganacsato, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan madaxtooyada Jabuuti iyo Fanaaniin muddo aanan imaan Soomaaliya.

Fanaaniinta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar oo sheegay in 30 sano uusan  imaan magaalada Muqdisho, waxaana waqtigiisa ugu badnaa uu ku sugnaa dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle waxaa uu qorshaha yahay inuu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo noqoneyso safaaradda labaad ee ugu weyn ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa mashaariic dowladda Jabuuti ay ka hirgelineyso dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qorshaha uu yahay inuu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan..

- Advertisement -

Read more

Local News