Video: Madaxweyne Xasan oo farriin culus ka jeediyey shirka beesha Mudulood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay furitaanka shirka wadatashiga beelaha Mudulood ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan tan magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marar badan la weydiiyey sababta marka uu madaxweynaha ahaa wax uga qaban waayey dhibaatada iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isagoona jawaabta uu bixiyey ku sheegay in aysan moogeyn xaaladda jirta, balse dowladnimada ay soo bilaabeen, islamarkaana inta aysan soo gaarin halkan uu waqtigii ka dhammaaday.

”Aqyaarta halkan fadhisa iyo aqyaar kalaa su’aal i weydiisay marar badan oo igu yiri madaxweyne baad soo ahaydee magaaladaan aad leedahay dadkeeda hala waxeeyo adigu maxaad u waxeyn weysay? anaga dowladnimadaan soo bilownay, mana aanan moogeyn intii aanan halkaan soo gaarin buu waqtigii naga dhamaaday”. ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey hal hayskii lagu yaqiinay ee Qabyo ”hal hayskii caanka ahaa ee dad badan cilladeeyeen ee Qabyo ahaa, maamulka Muqdishana qabyaduu ka mid ahaa”. ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo sii hadlayey ayaa xusay in aan la caburin karin shacabka Muqdisho, islamarkaan ay xaq u leeyihiin inay shiraan, kana tashadaan aayahooda.

“Ma shiri kartiin maamul ma dhisan kartiin aayihiina kama tashan kartiin meel ay ku banaan tahay ma jirto Dastuurka ma qabo, Diinta islaamkana ma qabto”. ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dadka ku dhaqan caasimada oo haatan la daala dhacayo dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan xirnaashaha waddooyinka muhiimka ah ay muujiyeen dul qaad, islamarkaana uu ku amaanayo, kuna sii dhiiragalinayo markasto.

Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Sheekh