Dowladda Ruushka oo war kasoo saartay saldhigga milatari ee la sheegay inay ka sameysanayso Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) –  Dowladda Ruushka ayaa markii u horeysay si cad uga hadashay warar sheegaya in damaceeda uu yahay inay magaalo xeebeedka Berbera ka sameysato Saldhig Milateri.

Ruushka ayaa xaqiijiyey inuusan waqti xaadirkan uusan diyaar u aheyn inuu Berbera ka sameysato Saldhig Milateri, sida uu sheegay Danjire Mikhail Golovanov.

Mikhail Golovanov oo ah safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Ruushku aysan wax saldhig ah ka sameysaneen Berbera, isagoona xusay in wax wada-hadal ah oo arrintaasi ku saabsan aan la qaban.

Mikhail ayaa isagoo si kooban uga hadlaya arrinkaasi waxa uu yiri “Ruushku, ma waddo inuu dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada-hadalo arrintan ku saabsan lama qabanin”.

Hadalkan Mikhail ee uu ku cadeynayo in dowladiisu ay waqti xaadirkan aysan qorsheyneyn in saldhig Milateri ay ka sameysato Berbera, ayaa waxa uu ku soo aadaya Warbixin si weyn u faaftay oo uu Wargeyska New York Times uu ku sheegay in uu Ruushku wado qorshe uu Berbera kaga sameysanayo saldhig Milateri.

Warbixinta Wargeyska oo soo baxday horaantii bishan ayaa waxa ciwaan looga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer  Galbeed badan oo ka wer-wersan”.

Waxaana warbixintaasi lagu sheegay in dowladda Ruushka ay si dhow isha ugu hayso magaalo xeebeedka Berbera, oo ay rabto inay saldhig ka sameysato, inkasta oo dowladda Ruushku ay iska fogeysay xaqiiqada qorshahaasi.