Daawo Video: Muqdisho oo ay dib uga billowdeen arrimo muddo la moogaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadku marka ay darreemaan is-beddel dhinaca nabadda ah, waxa ay u jeestaan horumarka iyo sidii ay ay ugu raaxeesan lahaayeen nabadda.

Magaalada Muqdisho, waxa ay iminka aad uga wanaagsan tahay saddex sano ka hor, inkasta oo weli aysan nabadduu dhameystirneyn, taasina waxa ay keentay in cayaaro waa horey u dambeysay ee dalka dib ugu soo noqdaan.

Markii ugu horeysay muddo sanado badan ah, ayaa waxaa degmada Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan dhinaca fardaha ah.

 

HALKAAN KA DAAWO: