Video: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu KHEYRE xalay la yeeshay ganacsatada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus ama COVID-19.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda cudurka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in hakad ku yimaado badeecadaha ay ganacsatada dalka usoo dhoofiyaan qaarkood, ama inay sare u qaadaan maciishadda, haddii ay sidaas dhacdo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka ka ballan-qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda cudurka Coronavirus.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19.

Hoos ka daawo wasiirka ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan oo ka faah-faahinaya kulanka