Villa Somalia oo lacagtii ka jartay culimadii taageeri jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee taageerada u ahaa dowladda Soomaaliya, ayaa laga goostay lacagtii billaha ahayd ee lagu siin jiray inaysan dowladda dhaliilin oo ay difaacaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Culimadaan ayaa lacag bishii ka qaadan jiray madaxtooyada Soomaaliya waxayna hada waayeen guud ahaan lacagtaas oo tan iyo 2018-kii aysan u heli jirin joogto.

Shaqsiyaadka lacagta qaadan jiray ee hadda waayay ayaa badankood ah xubnaha sare ee hay’adsa culimada Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sidoo kale ay culimadaan ku adkaatay gelista madaxtooyada Soomaaliya oo ay markii hore si dhibyar ku geli jireen waxaana soo foodsaaray cadaadis dhaqalo iyo midka gelista Villa Somalia.

Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan hase yeeshee wadadaan ayaa ku xirnaa Villa Somalia waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in lacago sharci darro ah laga siiyo Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya oo ku guda jirtay sanadkii ugu dambeeyey muddo xileedkeeda ayaa billowday inay lacago ka jirtay dhinac badan, oo xitaa ay ku jiraan ciidanka koofiya casta ee ilaaliya madaxtooyada.

Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhinacyo badan dhaqalaha looga jaray ayaa lagu sheegay in la diyaarinayo dhaqaale badan oo ku bixi doona dadaalka dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.