Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Isaaq, ayaa kullan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa waxa ay hanjabaad culus ugu soo direen beelaha Hawiye oo ay ku eedeeyn xasuuq ka dhan ah beesha Biyo-Maal.
Waxa ay tix-raacayeen dagaalladdii dhowaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, ee beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, waxayna sheegeen in dowladda Somalia ay ku lug leedahay.
Waxa ay sheegeen in Biyo-Maal ay isugu tageen Hawiye oo idil.
Odayaasha iminka sheegaya arrintan ayaa weligod ka hadal xasuuqa Axmed Godane oo beeshooda u dhashay uu ka wado koonfurta Soomaliya. Waxaysan sidoo kale ka hadal markii dad badan oo shacab ah ay maleeshiyooyin ku xauuqeen gbolka.
Halkan ka daawo hanjabaadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

