BF oo baaraya arrin xasaasi ah oo ku saabsan Dagaalkii Shabeelaha hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-  Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baritaano ku aadan in ciidamada dowlada ay ku lug lahaayeen dagaalkii Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan C/Naasir Gaarane Aadan oo kamid ah xildhibanada baarlamaanka, kana soo jeedo mid kamid ah beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inaysan ku deg degi karin wararka ku aadan in ciidamada dowlada ay ku lug leeyihiin dagaalka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay baarayaan wararka ku aadan in ciidamad dowlada Soomaaliya dagaalkaasi ay ka qeyb galeen ayna u hiiliyeen mid kamid ah beelaha dagaalamaya.

Xildhibaan Gaarane wuxuu kaloo sheegay in haddii ay u cadaato in ciidamada dowlada ay dagaalka qeyb ka ahaayeen, dowlada Soomaaliya ay kula xisaabtami doonaan arintaasi ayna ka qaadan doonaan go’aan cad.

Ugu dambeyn wuxuu cadeeyay in dib u dajin ay u sameyn doonaan dadkii ku barakacay dagaalka ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online’

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com