Video: Salaad Cali Jeelle oo shaaciyay dowlado lacag ku bixinaya banaanbaxyo ka dhan ah DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay banaanbaxyo uu sheegay inay abaabulayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle,ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu kamid yahay Cumar C/rashiid oo ra’iisul wasaare labo jeer kasoo noqday dalka, inuu ka dambeeyo abaabulka banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in xisbiyada Mucaaradka ay dhaqaalo ka helayaan dowlado shisheeye kuwaasi kasoo horjeeda nidaamka dowladeed ee dalka, islamarkaana ay hadda abaabulayaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayuu eedeynta ugu badan u jeediyay wuxuuna sheegay inay bixinayaan dhaqaalo loo qeybinayo dadka barakacayaasha ah si ay banaanbax kaga dhigaan magaalada Muqdisho.

“Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale ku bixinaya waxyaabaha ka dhanka ah jiritaanka dowladda, Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah oo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo ku nool Imaaraadka”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

“Waxaa la abaabulayaa banaan bax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo saaxiib dhow la ah madaxda dalka ayaa kamid ah siyaasiyiin difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo marka dadka shacabka ah ku mucaaradaan waxqabad la’aanta dowladda.

Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin siyaasiyinta mucaaradka ah ee Siyaasi Salaad Cali jeelle uu ku eedeeyey inay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com