25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Video: Sh Umal oo kashifay kana digay arrimo Somalia lagu burburinayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii Jimcaha waxaana uu uga hadlay khatarta ay leedahay in magac diin iyo dan qabiil umada lagu burburiyo,loona gacan geliyo dalkooda gaalo iyo Cadow.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa aad uga dheeraaday in qof walba oo muslin ah uu diintiisa ilaashado waxaana uu  uga digay in ay ku kadsoomaan kuwa magaca diin ku burbiriyey dalka iyo Diinta iyaga oo laayey culumadii dalka Soomaaliya kuwii ugu waaweyn.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in Soomaaliya ay karaamo iyo sharaf lahayd xiligii ay dowladdi dalka ka  jirtay balse ay kuwa qaab qabiil isku abaabulay ay dalkii ku burburiyeen jabhado.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay sidoo kale in dalka  lagu burbiyey magac diin oo ajandooyin kale huwan waxaana uu Sheekhu umada ugu baaqay in ay culumada iyo cilmiga ku xirmaan xiligan oo ah xili fitno lagu jiro kana digtoonaadaan dhagarta loo maleegayo.

Hoos Ka Daawo Khudbadii Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News