29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Video sir ah: Musharax damaanad laga ahaa oo dagaal ka abuuray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Maalintii u danbeysay ee ku ekeyd qabashada liiska murashaxiinta u taagan xilka madaxweyne ayaa guddiga doorashada waxaa khilaaf iyo muran xooggan ka dhex dhaliyay arrin hareer marsan dastuurka doorashada iyo xeerarka caalamiga.

Guddiga diiwaan gelinta ayaa waxaa loo keenay foom ay ku dhameystiran yihiin dhamaan shuruudihii laga rabay murashaxa madaxweyne, hase ahaatee arinra lala yaabay ayaa noqotay in murashaxii uu soo wakiishay qof kale, maadaama uu dalka ka maqnaa.Murashaxaan dooda ka dhex dhaliyay guddiga ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed C/risaaq, waxaana doodiisa ay socotay mudo, iyadoo guddoomiyaha guddiga Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle uu soo jeediyay in gacantaag loogu codeeyo, laakiin taasi guddigii kale kuma qancin, waxayna sameeyeen buuq mudo saacad ku dhow socday.

Ugu danbeyntii Guddiga doorashada ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay murashaxaasi in la diiwaan geliyo.

- Advertisement -

Read more

Local News