27.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Video: Somaliland oo xiriir u jarida Qadar abaal-marin uga heshay Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dib loo bilaabay dhoofinta xoolaha nool ee loo qaadi jiray dalka Sacuudiga.

Maamulka ayaa sheegay in Somaliland ay dib u bilawday dhoofinta xoolaha kadib wadahadal dhexmaray dowlada Sacuudiga iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha maamulka Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xayiraada laga qaaday Somaliland ay xal u noqoneyso sicirbararka ka jira deegaanada maamulka.

”Waxaa dhoofinta sabab u ah baryada alle oo nalaga aqbalay, waxaan dadaal badan galinay sida dowlada Sacuudiga u bilaabi laheyd dhoofinta waxaa suuragalay inaan ku guuleysano”

Waxa uu Wasiirka sheegay in dhoofin xoolo oo gaara ay u sameyn doonaan dalka Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay la galeen wadahadal ku aadan dhoofka xoolaha nool.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay maslaxad gaara ugu jirto dhoofka xoolaha nool, sidoo kalane ay xooga saari doonaan inay helaan dal Seddexaad oo loo dhoofin doono xoolaha.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa maamulka Somaliland abaalmarin uga dhigay dhoofka xoolaha tan iyo markii ay shaacisay inay xiriirka u jartay dowlada Qadar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News