Video: Faroole oo weerar afka ah ku qaaday wasiirka howlaha guud kadib markii…

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee maamulka Puntland ahna mudane ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka howlaha guud ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo uu ku eedeeyay inuu ka been-sheegay dastuurka Puntland.

Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo ka hadlaayay qorshaha maamulka Puntland ee dib u furida dastuurka Puntland iyo axdigii lagu dhisay maamulka Puntland 1998-dii.

Faroole waxa uu sheegay in Wasiirka howlaha guud maamulka Puntland uu ka been-sheegay dastuurka Puntland mar uu ka hadlaayay shirka qaar ka mid ah isimadda Puntland ee xalka loogu raadinayo tabashada Beesha Tanade ee awood-qaybsiga gollaha wakiiladda Puntland.

Faroole waxa uu been-sheegida Wasiirka ku sheegay in shirka gudihiisa uu cod dheer uga sheegay in dhowr jeer wax laga bedelay Dastuurka maamulka.

Xildhibaan Faroole oo hadalkaasi ka sheegay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, isla markaana gacanta ku watay nuqul ka mid Dastuurka Puntland, ayaa sheegay in dastuurka Puntland uusan ku salaysnayn waxa loogu yeero qabiilka.

Waxa uu intaa raaciyay in wax lagu qaybsaday degmooyin iyo gobolo, wuxuuna tilmaamay in ciddii wax ka maqan yihiin ay u raadsadaan gobolka ay ka soo jeedaan.

”Anigu waxaan xaqiijinayaa in Dastuurka Puntland aan waxba laga bedelin Wasiirka sheegay in dhowr jeer wax laga bedelay kama run sheegin xaqiiqda jirta”

”Dastuurka Puntland kuma dhisna Qabiil, wuxuu ku dhisanyahay Deegaan, markii halkan Garowe lagu dhisay Puntland deegaano ayaa loo qaybshay, degmooyinkii markaa jiray ayaa lagu qaybshay gobolka Nugal 11 ayuu lahaa, Odaygii markaa shirka maamulayay Islaam Maxamed ayaa markii Bari qolo wax saluugta 1 ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray”

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
Caasimada@live.com