Waxaa magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands lagu qabtay tartan ciyaareedka xilliga qaboobaha kaasi oo ay isugu yimaadeen in ka badan 16 koox oo ka dhisan dalka Holland, kuwaasi oo dhamaantood ah dhallinyaro Soomaaliyeed.
Tartankan ayaa waxaa soo qaban waabiyey saddex dhallinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo markii ay arkeen inay muhiim tahay tartan ciyaareed dhallinta Soomaalida loo qabto sameeyey dadaal dheeri ah. Waxaana kasoo baxday isku daygaasi farxad ay ku diirsadeen dhammaan inta daneysta ciyaaraha kubada cagta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.
Magacyada dhallinyarada tartankaasi soo qaban qaabisay ayaa kala ah : Liibaan Honest, Abdifitax Afgooye iyo Abdishakuur.
Tartankan oo socday maalin dhan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan madaxda ururada Soomaaliyeed iyo waxgaradka. Waxaana sidoo kale garoonka kubada cagta laga dareemayey sida ay dhallinta Soomaaliyeed ugu faraxsan yihiin “FURSAD TARTAN LOOGU SAMEYNAYO”.
Hardan iyo dadaal badan oo ay kooxaha kala duwan sameeyeen ayaa waxaa ciyaartii kama danbeysa ee koobka lagu kala hanayey isugu soo baxay labada koox ee kala ah : FC Waabari iyo Kooxda Rotterdam ee martida loo ahaa. Ciyaartaasi oo waqtigii loogu talagalay ku dhamaaday “WAXBA” ama goolal la’aan.
Markiise danbe waxaa loo dhigay GOOL ku laad ay guushii tartanka ku raacday kooxda Waabari oo uu tababaraha u yahay Fooragacan oo caan uga ah dalka Holland, sidoo kalana kooxdiisa ay qaaday koobab kala duwan oo lagu qabtay dalkan.
Haddaba dhamaan ciyaarahaasi sida ay u dhaceen, hadalada madaxdii ka qeybgashay iyo sidoo kale wareysiyo lala yeeshay ciyaartooyda ka qeybgalay ayaa waxaa barnaamij xiiso gaar ah leh ka sameeyey SOMNEWS TV oo ah Local TV ay Soomaalida deggan Holland leeyihiin.
HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA CIYAARAHA ROTTERDAM IYO SOMNEWS TV, Netherlands.