28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo ka farxiyay XASAN (Maxaa cusub?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo-wareed ka tirsan Golaha Wasiirada DF Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay ku biireen Xildhibaanada taageersan mooshinka ee uu hor boodayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanadaani ayaa waxa ay kulan albaabada u xiran yahay la qaaten Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa ayna ka aqbaleen Codsi uu Xasan u Jeediyay Afar maalin ka hor, kaasi oo ahaa inay kusoo biiraan xldhibaanada wada Mooshinka.

Sidoo kale, Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay Heshiis la galeen Madaxweyne Xassan, iyadoona uu Xasan ballan qaadyo adag u sameeyay inkastoo aan weli helin balamahaasi waxa ay ku qotomaan.

Dhanka kale, Xildhibaan ka tirsanaa kuwa tageersan Xasan Sheekh la galay Axdiga, ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u balanqaaday Xildhibaanada Xilal kala duwan Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaaraha bedeli doono C/wali Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News