Video: Xasan Daahir Aweys oo weerar xun oo aflagaado ah ku qaaday beesha Abgaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo soo duubay muuqaal cusub, ayaa si xun u weeraray una aflgaadeeyey beesha Abgaal.

Xasan Daahir, oo muuqaallo soo duuba mar kasta oo dowladda uu cadaadis saaran yahay, ayaa sheegay in beesha Abgaal “ay tahay beesha kaliya ee laga helo dad qur’aanka yaqaan, haddana mooryaan ah.”

“Waxaa yaab leh dhallinyarda beelaha kale markaad ka wacdiso oo aad ka reebto munkarka waa ku maqlayaan, laakiin Abgaalka kuma dhageysanayaan, waxay ku leeyihiin ‘wax qaldan miyaan sameeyey?’” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir waxa kale oo uu sheegay in beesha Abgaal aysan galin derisnimo, oo aan lala noolaan karin. “Abgaal cirif la dego ma lahan ee waxay leeyihiin calool la dego,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay beel aan wax iska maqal, oo odayaasha aan dhageysan.

Waxa kale oo uu yiri “ma ahan beel lala xidido, waayo ma dhowraan wiilka ay abtiga u yihiin.”

“Abgaal hiilo ma lahan, oo wanaagag isuguma hiiliyaan, waxanaa caddeyn u ah inaysan u hiilin markii Maxamed Siyaad Barre uu dilay Slaad Gabeyre Kadiye,” ayuu yiri.

Muuqaalka Xasan Daahir ayaa jawaab u ahaa, oo uu kaga hadlayey shirkii beesha Mudulood ay dhowaan ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir, waxa uu xiran yahay dowladda federaalka, oo siisa telefoonka iyo internet-ka uu kusoo duubo muuqaallada, waxaana inta badan uu muuqaallada soo duubaa marka dowladda ay dooneyso inay bedesho guuxa socda oo aysan jecleysan, sida kan ka dhashay shirkii Mudulood.