Xog: Villa Somalia oo BF ku cadaadineysa ka laabashada mooshin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa deg deg u soo fara-gelisay mooshin culus oo la xiriira heshiisyo amni oo xukuumadda horey ula gashay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka, kaasi oo uu guddoonka Baarlamaanka uu ka aqbalay xildhibaannada.

Saacado kadib markii ay soo baxday warqad uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa waxaa Telefishanka Qaranka lagu baahiyay beenin la xiriirta go’aanka kasoo baxay guddoonka BF ee ah in uu aqbalay mooshinka ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee xukuumadda Dan-Qaran la gaadhay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

“Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu beeninayaa warqadan been abuurka ee saacidihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay. Golaha Shacabka gaar ahaan xafiiska xoghayaha guud oo sida gaarka ah saxiixiisa loo adeegsaday waxa uu xaqiijinayaa in warqadan ay tahay been abuur sal iyo raad toona laheyn,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga Telefishanka Qaranka ee Facebook.

Isku-deyga Villa Somalia ku beeninayso mooshin sax ah, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana ugu weyn in Imaaraadka uu culeys ku saarayo Madaxtooyadda hor istaaga mooshinka Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ay wadaan ee la xiriira heshiiskii amni ee kal hore buuqa dhaliyay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa isagu aqbalay mooshinkaan, ayada markii la baahiyay maanta inuu aqbalay guddoonka ay Villa Somalia isku dayday inay beeniso, lamana oga waxa uu ka beddeli karo mooshinka ay hor boodayaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Heshiiska shakiga laga qabo keliya ma ahan kan Imaaraadka, ee sidoo kale waxaa aad u sii xoogeysanaya shakiga laga qabo heshiis hoosaadka amni ee lala galay Itoobiya, oo ayadu dhawaan ku kacday xad-gudub ka dhan ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bishii December ee 2023-kii kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka difaaca Soomaaliya Mr. Jaamac iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay.

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya.