VILLA SOMALIA oo go’aan cusub kasoo saartay shirkii Golaha Amniga Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dib ay ka soo shaaci doonaan goorta la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid.

Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax.

Hase yeeshee Fahad Yaasiin hadda waxaa loo diiday inuu dalka soo galo, taas ayaana keentay in shirkaan uu baaqdo, Fahad ayaa shalay laga celiyey Jabuuti, isaga iyo rakaabkii la socday, waxaana maanta Muqdisho timid diyaaradii shalay ku celisay Istanbuul – Turkiga.