Buuq iyo qalalaase hareeyey doorashadii Jowhar, kadib doorashadii Korneyl Afcadey

Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar waxaa caawa waxaa ka dhacday doorasho buuq iyo qalalaase ku soo dhamaatay, laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee dalka ayaa la doonayey in la doorto, balse waxaa la doortay hal kursi, kadibna waxaa hoolka ka bilaawday gacan ka hadal.

Ugu horeyn Korneyl Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare, waxuuna wareegii koowaad ee doorashada kursigaas 52-cod uga guuleystay musharaxii la tartamayey Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo helay 44-cod.

Musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Amiin Sheekh Cismaan waxuu kursigaan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Musharaxa guuleystay ee Senator Afcaddey oo ah Sarkaal Militeri ah ayaa laba jeer soo noqday Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale xilal kale ayuu ka soo qabtay taliska ciidanka xoogga Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa bilaabatay doorashada kursiga kale ee caawa la dooran rabay, balse markii uu soo dhamaaday wareegii koowaad ee codeynta, ayaa intii ay socotay tirinta codadka waxaa bilaawday buuq iyo gacan ka hadal ay bilaabeen qaar kamid ah xildhibaanada HirShabeelle.

Ilaa afar musharax ayaa ku tartameysay kursigaas, kuwaas oo dumar ku jiray. Waxaa la demiyey leyrarkii hoolka ay doorashadu ka socotay, waxaana ugu dambeyn lagu kala tegay goobta, kadib markii la demin waayey xiisadda.

Shan kursi oo kan caawa uu ku guuleystay Korneyl Afcaddey uu u dambeeyey ayaa lagu doortay Jowhar, waxaana si nabad ah ku dhacday doorashada shantaas kursi, balse hadda waxaa bilaawday buuq iyo gacan ka hadal, waxaana weli la dooran seddax kursi oo kan caawa doorashadiisa lagu fashilmay uu ku jiro.