Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xaaladda dalka baaqna u diray ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee siyaasadda dalka, isagoo baaqyo kala duwan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo hadalkiisa uu walaac badan ka muuqday ayaa sheegay in shacabka iyo maal-gashadayaasha Soomaaliyeed ay niyad-jab weyn ku abuurtay xaaladda siyaasadeed ee maanta dalka ka jirta.

“Waxaa kor soo martay cabsida ah in dalku galo xaalad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto, Hooyo iyo Aabe kasta waxay bilaabeen inay ka fekeraan, mustaqbalkii ay caruurtooda u qorsheeyeen iyo waxa iska bedeli kara, ganacsade kasta hadda waxa uu ka walwalayaa maal-gashigii uu dalkiisa ku sameystay, shaki ayaa ku yimid rajadii wanaagsaneed ee mustaqbalka dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladaan ay abuureen hoggaamiyayaasha qaar oo ka gows adeygay fulinta wixii lagu heshiiyey, gaar ahaan maareynta doorashooyinka dalka, xilligaan kala guurka ah.

“Xaaladaas jirta aawgeed waxaan bogaadinayaa odaytinimada, Ra’iisul wasaare Rooble oo inta badan si ay u turis ku jirto ku wajahay xaaladihii lasoo dhaafay, waxuu u taagnaa meel dhexe oo koox kasta ay u arkeyso qof ku taagan fulinta heshiisyadii la gaaray,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar uu la dardaarmayey shacabka Soomaaliyeed waxuu yiri, “Garab istaagga caddaaladda waa waajib diini ah, dastuurina ah, ee aan qeyb ka noqono sidii ay qoyska Ikraan u heli lahaayeen caddaaladda ay xaqa u leeyihiin.”

Fariin uu u diray Taliyeyaasha ciidamada qaranka ayuu Xasan Sheekh ku yiri, “Taliyeyaasha ciidamada waxaa idin saaran mas’uuliyadda amniga dalka, ka digtoonaada ku milmidda siyaasadda oo ku taagnaada mabda’a aad u taagan tihiin oo ah ilaalinta sharafka Soomaaliyeed. Xilliyadaan oo kale waa in aad iska hubisaan tallaabooyinka aad qaadeysaan.”

Madaxda dowlad goboleedyada ayuu tilmaamay inay qaateen kaalin wax ku ool ah oo dalka soo gaarsiisay in ay billaabato doorasho. “Waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan dadaalkaas ilaa dalku ka baxayo marxaladdan kala guurka ah.”

“Faa’iidooyinka uu federaalku leeyahay waxaa ka mid ah in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn badan ku yeelan Jowhar, Garowe,Baydhaba, Dhuusamareeb iyo Kismaayo, nidaamkaan waxa uu naga badbaadiyey in hal meel uu dalkeenu ka burburo” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Mudane Farmaajo hanoo sheegin ra’iisul wasaaihii aad ku wareejisay amiga dalka waan kala noqday maanta, caqliga saliimka ah ma aqbali karo taas, shalay waxaad ceyrisay ra’iisul wasaarihii hore markii doorasho laga hadlay, taasi waxay muujineysaa in wax doorasho la yiraahdo aysan qorshaha kuugu jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in isaga iyo saaxiibadiis aysan Soomaaliya uga darin, hadii aysan dalkaan ka fikireyna ay ugu yaraan mustaqbalkooda ka fikiraan.

Hoos ka Daawo