Maxay imaanshaha Fahad Yaasiin uga dhignaan doontaa Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin oo lagu waday inuu shalay ku laabtay Muqdisho, ayaa lagu xanibay dalka Jabuuti, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo kadibna dib ugu laabtay magaalada Istanbul.

Dowladda Jabuuti waa ay beenisay in Fahad ay xanibtay, waxayna sheegtay in sababta diyaaradda Tukish Airlines ay uga baaqatay duulimaadkii Muqdisho ay aheyd cilad farsamo.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta ka degtay Muqdisho, hase yeeshee ma uusan saarneyn Fahad.

Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay diyaaradaha caalamiga ah siiyeen amar ah inaysan soo qaadi karin Fahad Yaasiin.

Haddaba maxay ka dhigan tahay imaanshaha Fahad?

Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa sheegay in imaanshaha Fahad, haddii ay dhacdo ay guul weyn u tahay madaxweyne Farmaajo.

“Imaanshaha Fahad waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin saameyn weyn ku leh dalka, sidoo kalena ah xeelad yaqaaan wax kala furfuri kara. 

Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahay Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble.