Villa Somalia oo jawaab ka bixisay taageerada beesha caalamka ee Xasan Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ka hadashay hanjaabada Beesha caalamka ee ku aadaneyd tallaabadii Baarlamaanku uu xilka uga tuuray Ra’iisal wasaare Kheyre, oo markii dambe sheegay inuu isku casilay danta shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka qeyb galay dood ay qabatay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa ka hadlay hanjabaadasi, isagoona gaashanka u daruuray eedaymaha ay usoo jeedisay Beesha caalamku.

Afhayeenka ayaa qoraalkii ay sida wada-jirka ah u soo saareen Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ku macneeyay mid aan macno buuran sameynayn, maadama uu joogo madaxweyne Farmaajo oo hore usoo magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre, isla markaana uu mid cusub usoo magacaabayo, taasi oo uu ku sheegay inay weli dowladdu lugo adag ay ku taagan tahay.

Cabdinuur ayaa sidoo kale  sheegay in Beesha caalamka laga filayay inay qeyb ka noqoto dhismaha hay’addaha dastuurig ah ee dalka, balse aan marnaba laga sugeyn inay ku mashquusho xukuumad kalsoonidii lagala laabtay, midaasi oo uu kusii xoojinayo mowqifkii xukuumada ee ku aadana hanjabaadda Beesha caalamka.

“Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay,” ayuu yidhi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan”. 

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili ay Beesha caalamku ay meel adag iska taagtay qorshaha Villa Somalia, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay xil ka tuuristii Kheyre, oo si adag uga horyimid in Farmaajo loo sameeyo muddo kororsi ay ka digeen saamileyda siyaasadu.