Villa Somalia oo ka jawaabtay afgambigii la sheegay in FARMAAJO uu isku dayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi, afhayeenka Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka wajaabay eedeyntii afgembiga ee maanta loo jeediyey Farmaajo ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax aan meesha oolin.

Cabdirashiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ahaayeen fashilkii ku yimid doorashada, balse aysan madaxtooyadu qaadin wax tallaabo militeri ah, isagoo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey ku takrifalka hanti dan-guud ah.

“Maadaama ra’iisul wasaaraha uu ku yimid kiis culus, waxaan rejeyneynaa inuu ka dabaasho oo sugo inta baaritaanku ka dhamaanayo, intaas ka horna waa la hakiyey awoodiisa iyo shaqadii ka socotay xafiiskiisa,” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maanta wax shaqaaqo ah aysan ka jirin madaxtooyada oo shaqo maalmeedkii caadiga ahaa uu ka socday, “Waxaa jira ciidan madaxtooyo, waana ciidanka ugu anshaxa badan ciidamada qaranka, maanta in laga been abuuro ciidankaasna, waa qalad ku dhacay dowladnimadeena,” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

Sidoo kale Cabdirashiid ayaa qaar ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ku eedeeyey inay isku dayeen inay ciidan la soo galaan madaxtooyada, taas oo mamnuuc ka ah, isla markaana talaabadaas ay diideen ciidanka ilaalada madaxtooyada. sida uu sheegay C/Rashiid Xaashi.

“Rooble isgoo ka dhex hadlaya madaxtooyada, hadii uu leeyahay waa la ii diiday madaxtooyadii, waa alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay warkiisu,” ayuu yiri.

Afhayeenka Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay hadalkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in ciidanku aysan ka amar qaadan karin Madaxweynaha, isagoo sheegay in Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qaranka uu yahay Madaxweyne Farmaajo.

“Fashilka ku yimid doorashada lama sii eegan karo 14 bilood kadib, arrimaha maanta nahor yaalla waa kuwo sharci iyo siyaasad looga dabaalan karo, ma ahan arrimo ciidan iyo xoog lagu xali karo , arrimaha doorashooyinkana shirweyn ayuu madaxweynuhu iclaamiyey, kaas ayaana lagu go’aami doonaa jihada xigta ee la aadi doono,” ayuu yiri Afhayeenka Farmaajo Cabdirashiid Duqa.

Hoos ka dhageyso wareysiga