Mareykanka oo si buuxda u taageeray Rooble, soona saaray hanjabaad culus

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda. 

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada. 

Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, islamarkaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

Qoraalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna tusmeynayaa in caalamka ka qustay xal, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay diyaar u yihiin inay toos wax uga qabtaan carqaladda joogtada ah ee madaxweynihii hore.

Mareykanka ayaa awood u leh xayiraad socdaa iyo mid dhaqaale uu saaro cid kasta oo carqalad ku ah nabadeynta Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa rumeysan in hanjabaadda Mareykanka ay bilow u tahay kuwa badan oo kasoo socda dalalka daneeya Soomaaliya, gaar ahaan dalalka Yurub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: