Doorashada lix kursi oo ka tirsan G/Shacabka oo maanta ka dhaceysa KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sida uu guddiga doorashada maamulkaasi shaaciyey kuraastan afar ka mid ah waxaa u tartamaya rag, halka labada kale loo xiray dumarka si lool ilaaliyo qoondada haweenka.

Musharixiinta ayaa marka hore la siin doona hadal jeedin, iyada oo kadib la guda-galayo tartanka doorashada iyo codeynta, waxaana kursigii dooranaya illaa 101 ergo ah.

Kuraasta loo tartamaya ayaa kala ah HOP#082, HOP#108, HOP#113, HOP#134, HOP#203 iyo HOP#217, kuwaas oo la filayo in saacaha soo socda la qabto doorashadooda.

Dhinaca kale guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa ballan-qaaday in uu qabanayo doorasho tartan furan oo si siman loogu qabanayo musharixiinta xil-doonka ah.

Waa kuraastii ugu horreysay ee ay Jubbaland qabaneyso doorashadooda, iyada oo sidaas ku noqoneyso maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: