Wareysi: Muxuu Cabdiqasim Salad Xasan ka yiri khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble?

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay khilaafka Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday in mar kale ay dhagihiisu maqlaan khilaaf noocaan ah.

Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad ayaa soo jeediyey in ciidamada qaranka laga ilaaliyo siyaasadda, “Siyaasadda waxaa la rabaa inay noqoto mid dad umadoo dhan u codeyso ay hogaamiyaan,” ayuu yiri.

Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa Farmaajo iyo Rooble ka dalbaday in khilaafkaan ay soo afjaraan, isagoo waxgaradka Soomaaliyeed ka codsaday inay xal deg deg ah u raadiyaan khilaafkaan, hadii labada nin ay is xali waayeen.

“Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan idin leeyahay guddi inta qabtaan ha dhex-galeen madaxdaan is khilaaftay, hala sameeyo guddi arrintaan xaliya, kadibna iyadoo heshiis la yahay, doorasho hala galo dalku, waa nabadoobayaa markaas,” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale madaxweynihii hore Cabdiqaasim ayaa sheegay in waqtigaan uu yahay mid aad u adag oo in la is khilaafo aan ku habooneyn, “Xaaladaan dhibaato ka dhalata waxaa looga baaqsan karaa, in waxgaradka caasimadda jooga ay la hadlaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo runta loo sheego,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xaaladaan looga bixi karo in kaliya gacmaha la is qabsado, si loo maareeyo xaaladaan adag, “In la wadahadlo oo la isla arko waxa la isku heysto ayaa looga bixi karaa xaaladaan,” ayuu yiri Cabdiqaasin Salaad Xasan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA