Jubaland oo dooratay 6 xildhibaan – Yaa soo baxay?

Kismaayo  (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Kursigii ugu horreeyey oo la qabtay doorashadiisa HOP#203 ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Xamza Barre oo loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Dr. Xamza oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee ka shaqeeyey dib u doorashada Axmed Madoobe ayaa ehlay 69 cod, halka musharraxii la tartamayayna uu isna helay 17 cod, sidoo kale 15 cod ayaa halaabay, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#082 ku guuleystay Cabdirashiid Jire Qalin oo isna ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, iyada oo la guda-galayo s afarta kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale ballan-qaaday inuu u qabanayo musharixiinta tartan furan oo cadaalad ah.

Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: