Senator Cabdi Qeybdiid: Farmaajo wuxuu sameeyey ismiidaamin siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo war ka soo saaray khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Farmaajo uu maanta sameeyey waxa uu ugu yeeray ‘is-miidaamin siyaasadeed.’

Cabdi Qeybdiid ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Farmaajo uu qorsheynayey in god-dheer uu ku rido dalka oo qalalaase siyaasadeed uu abuuro, balse dawada dalkaan ay tahay doorasho oo kaliya.

“Madaxweynaha Mudo Xileedkiisu Dhamaaday Waxa uu maanta ku dhaqaaqay waxaa lagu macneen karaa kaliya iney tahay ismiidaamin siyaasadeed,” ayuu Cabdi Qeybdiid qoraal uu soo saaray ku yiri.

Qoraalka Senator Qeybdiid ayaa intaas ku sii daray, “Waana isku day uu ku doonayay inuu dalka ceel dheer ku rido uuna ku abuuro qas iyo qalalaase siyaasadeed, meeshana uu ka saaro nidaamkii iyo hanaankii uu ku waday Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa Doorasho daah furan Iyo inuu bur buriyo hanaankii dowladeed ee mudada dheer lasoo dhisaayay. Dawada Dalka Waa Doorasho.”

Qoraalka Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo aaday, iyadoo saraakiishii ciidanka badbaado qaran ay shir jaraa’id ku qabteen meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban ciidanka, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa siyaasad ahaan aad ugu dhow Ra’iisul wasaar e Rooble, waxuuna qeyb ka yahay geed-fadhigiisa dhanka siyaasadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: