Villa Somalia oo shaacisay xogta shirka u furmay golaha wadatashiga + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatasiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in shirkan oo ah kii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay ka qayb-galayaan ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay madaxdu ku odroosayaan nidaam garsoor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxdu ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan socda inta badan gobollada Soomaaliya, sida Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.